Racial Reckoning: Somali Weekly Recap Derek Chauvin Trial Recap, Third Week of Trial, End of Testimony (04/12-04/16)


 |   | Waa markale Iyo barnaajkii dibumilicsiga todobaadlaha ahaa ee aay sodiyaariyeen Mashruuca Racial Reckoning waxaana idin soo tabinaya anigooah: Abdirahman Ali Shire  
 |  | Todobadkan waxa soo dhamadey dhageysiga maragfurayaasha Derek Chauvin  
 |   | Derek Chauvin ayaa Cuskaday xuquuqda muwaadinka ee numberka 5aad. Taas u ogalaneeysa in uusan ka jawabin sualaha la weydiiyo. 
 |  | Isniinta ayaa la filayaa in qareenadu soo jeediyaan khudbadihii Gunaanadka dacwada. Ka dibna Xeerbeegtida ayaa iyana guda geli doona goorfaynta garta ilaa dhamaantood isku Racaan eedaymaha loo haysto Derek Chauvin oo Kala ah: Eeda 1aad : Dil Heerka Labaad Eeda 2aad Dil Heerka sedexaad Eeda 3aad. Dil aan ula kac ahayn 
 | Todobaadkan waxaa hadheeyay hawshii maxkamadda dilkii Daunte Wright oo ahaa wiil madow ah oo 20 jira ah. Kasoo ay boliska Brookly Center toogasho ku dilay xilli lagu joojiyay baadhitaan wadada dhexdeeda ah.  
 |  | Hooyadii oo khadka telefoonka si toosa
 | Ugala jirtay intusan dhiman xilligii boliska istaajiyay ayaa sheegtay in loo istajiyey oo keliya carfisada gariga oo suranayd murayada gadaal laga dawado darted. 
 | Iyadoo baadhitaankii socdo ayaa Taliyihii hore qaybta boliska Brooklyn Center Tim Gannon sheegay in Askariyada Kim Potter bastoolad lasoo baxday toogatayna wiilkaa iyadoo moodaysay in ay isticmaalayso bastoolada gariiriyaha ama tasserka loo yaqaan. 
 | Potter iyo Gannon ayaa haatan iska casilay shaqadii boliska. Potter ayaa lagu soo oogay dacwad dileed heerka 2aad. Damiin ayay haatan banaanka ku joogtaa.
 | 11 kii April ayay ahayd markii boliska toogatay Daunte Wright. Intii ka danbaysay banaanbaxayaashu waxay habayn kasta isugu soo baxayee xarunta policka magaaalda Brooklyn Center iyagoo dalbanaya cadaalad.
 | Ciidanka ilalada qaranka iyo boliska oo isticmaaalya budad, sunta dadka ka ilamysiisa iyo rasaas caaga ayaa Kala caydhiyay dadkii mudaharadayey. Ku dhawaad 130 kamida mudahaarda yaasha ayaa xabsiga loo taxabay.
 | Madaxda la doorto iyo hogaamiyasha bulshada ayaa sheegay in jawaabta military ee loo isticmaalayo dadka mudaharaadaya lasoo afjaro.
 | Ben Crump oo ah qareenka u doodaya qoyska George Floyd ayaa haatan matalaya Qoyska Daunte Wright.
 | Wuxuu bilow wanaagsan ku tilmaamay in Askari Potter lagu soo oogay dacwad dileed heerka 2aad , taasina Tahay tilaabo hore loo qaaday
 | Sidoo kale waxuu sheegay in taasi oo kaliya ku filayn, waa in Potter lala tiigsada sharciga oo buxa.