Racial Reckoning: Somali Weekly Recap Derek Chauvin Trial Recap, The Verdict, Guilty on All Counts (04/19-04/23)


 |  | Waa markale Iyo barnaajkii dibumilicsiga todobaadlaha ahaa ee aay sodiyaariyeen Mashruuca Racial Reckoning waxaana idin soo tabinaya anigooah: Abdirahman Ali Shire   |  
 |  | Boqolaal dad ah ayaa iskugu soo baxay Macbadka Shiloh ee ku yaala magaalda Minneapolis si ay uga qaybqaataan Aaska Daunte Wright oo ahaa 20 jira. 
 |  | Wright waxaa toogtay Boliska magaalada Brooklyn Park Center xilli loo istajiyey baaritaanka babuurta. Sida Bolisku sheegay, Askariyada waxeey rabtey in aay isticmaasho gariirisada “tasser” halka aay ka isticmaashey bastoolada. 
 |  | Askariyadaas oo lagu soo oogay dacwad dileedka heerka laabaad, ayaa dadka dhaliila boliska ku tilmaameen arintaa in aysan aheyn shil lakiin ay tahay dil bareer ah. 
 |  | Daunte Wright ayaa ifka uga tagay wiil yar oo Sabi ah. 
 |   | Askiisa ayaa dhacay labo maalmood kadib markii Derek Chauvin lagu xukumay inuu dilay George Floyd. 
 |  | Xukunkaas maxkamadu ku Riday Derek Chauvin ayaa ahaa mid la soo dhaweeyey. Halka Dadka qaarkiis ay ka walwalsanayeen rabshado Dib uga qarxa haddii lagu waayo danbigaaas Chauvin. 
 | Chauvin ayaa wajahay xabsi Gaadhaya ilaa 40 sano. Waxaa lafilayaa In go’aankaas maxkamadu ku dhawaaqdo mudo sideed todobaad gudahood.
 | Isla markii danbiga lagu helay ayaa wasaarada caddaalada ee Dowladda Federalka ee Maraykanku ku dhawaqday in ay Baaritaan ku samayn doonto qaybta boliska magaalada Minneapolis.
 | Baaritaanka oo diiradda lagu saarayo in uu jirey dhaqan gabood fal ah iyo in si sharci daro boliska ula dhaqmaan mawadininta.
 | In kabadan 3000 askari oo ah ciidamada qaranka “National Guard “ ayaa lasoo tubay wadooyinka magaalooyinka matanaha ah ka hor intaan lagu dhawaaqin go’aanka maxkamada
 | Ciidamdaas oo hatan dib ugu noqday saldhigyadoodii waxeey u badan tahay in markale bisha 8aad ee sanadkan dib loo soo celiyo. Xilligaas waxaa bilaamanaysa maxkadda sedexdii askari ee kale oo ku lug lahaa dilkii George Floyd.
 | Waxaan aad ugu mahadnaqaynaa dhaamaan dadkii la socday barnaamijkaan intii maxkamadu socotay. Barnaamijkan oo kii ugu danbeeyay Tan iyo intay ka bilaamayso maxkamadaynta 3dii askari oo kale bisha August.