Racial Reckoning: Somali Weekly Recap Jimcihii, waxaa 22 ½ sano iyo badh xarig ah lagu xukumay sarkaalkii hore aa boliska Minneapolis Derek Chauvin Dilkii George Floyd.

Waa markale Iyo barnaajkii dibumilicsiga todobaadlaha ahaa ee aay sodiyaariyeen Mashruuca Racial Reckoning waxaana idin soo tabinaya anigooah: Abdirahman Ali Shire

Jimcihii, waxaa 22 ½  sano iyo badh xarig ah lagu xukumay sarkaalkii hore aa boliska Minneapolis Derek Chauvin Dilkii George Floyd.
Waxay 10 sano ka badan tahay inta caadiyan lagu xukumo dilika darajada labaad ee aan ulakaca aheyn 
markuu ku ridayey xukunka wuxuu daliishaday 
garyaqaanku in Chauvin ku xadgudbay shaqadiisii iyo awoodiisii, iyo khaasantan uu muujiyey naxariis darada George Floyd
Intii lagu gudajiray dhageysiga, Garmaqalka xubnaha
qoyska George Floyd ayaa la siiyey fursad ay kula wadaagaan sida geeradiisu u saameysey nolashooda.  
Afar qof ayaa ka hadlay, ay ku jiirto gabadhiisa oo 
7 jir ah, iyo 2 wiil oo wallaalihiisa ah iyo wiil uu adeer u yahay
Waxay shegeen rabshadhihii Geeridiisa ka dashay ay ku reebtay argagax aan ka hareyn, iyagoo codsaday in lagu rido xukunka ugu badan ee suurtagal ah, kaas oo ah 30 sano.  
Hooyada dhashay Derek Chauvin oo iyaduna hadashay. Ayaa sheegtay in ay Aaminsan tahay in wiilkeedu uusan la heyn wax danbi ah uuna qabsanayey shaqadiisa    
Waxay ka codsatay Garyaqaanka ku xukumo sanado yar, Si ay suurtagal u noqoto in ayada oo nool uu xabsiga ka soo baxo wiilkeedu
25 May 2020, ayaa Derek Chauvin iyo 3 sarkaal oo kale ayaa xiray George Floyd ka dib markii looga shakiyey isticmaalka $20 oo been abuur ah. 
waxay dhigeen dhulka iyadoo Chauvin uu jilibka ka saaray qoorta George Floyd. in ka badan 9 daqiiqadood, ayadoo daawadayaasho ay ku dhawaaqayeen siidaa ha nafeesdee
Muuqaalka geeridiisa ayaa kicisay caro caalami ah taas oo lagu dalbanyo la xisaabtanka boliska