| | Waa markale Iyo barnaajkii dibumilicsiga todobaadlaha ahaa ee aay sodiyaariyeen Mashruuca Racial Reckoning waxaana idin soo tabinaya anigooah: Abdirahman Ali Shire |
| | Boqolaal dad ah ayaa iskugu soo baxay Macbadka Shiloh ee ku yaala magaalda Minneapolis si ay uga qaybqaataan Aaska Daunte Wright oo ahaa 20 jira.
| | Wright waxaa toogtay Boliska magaalada Brooklyn Park Center xilli loo istajiyey baaritaanka babuurta. Sida Bolisku sheegay, Askariyada waxeey rabtey in aay isticmaasho gariirisada “tasser” halka aay ka isticmaashey bastoolada.
| | Askariyadaas oo lagu soo oogay dacwad dileedka heerka laabaad, ayaa dadka dhaliila boliska ku tilmaameen arintaa in aysan aheyn shil lakiin ay tahay dil bareer ah.
| | Daunte Wright ayaa ifka uga tagay wiil yar oo Sabi ah.
| | Askiisa ayaa dhacay labo maalmood kadib markii Derek Chauvin lagu xukumay inuu dilay George Floyd.
| | Xukunkaas maxkamadu ku Riday Derek Chauvin ayaa ahaa mid la soo dhaweeyey. Halka Dadka qaarkiis ay ka walwalsanayeen rabshado Dib uga qarxa haddii lagu waayo danbigaaas Chauvin.
| Chauvin ayaa wajahay xabsi Gaadhaya ilaa 40 sano. Waxaa lafilayaa In go’aankaas maxkamadu ku dhawaaqdo mudo sideed todobaad gudahood.
| Isla markii danbiga lagu helay ayaa wasaarada caddaalada ee Dowladda Federalka ee Maraykanku ku dhawaqday in ay Baaritaan ku samayn doonto qaybta boliska magaalada Minneapolis.
| Baaritaanka oo diiradda lagu saarayo in uu jirey dhaqan gabood fal ah iyo in si sharci daro boliska ula dhaqmaan mawadininta.
| In kabadan 3000 askari oo ah ciidamada qaranka “National Guard “ ayaa lasoo tubay wadooyinka magaalooyinka matanaha ah ka hor intaan lagu dhawaaqin go’aanka maxkamada
| Ciidamdaas oo hatan dib ugu noqday saldhigyadoodii waxeey u badan tahay in markale bisha 8aad ee sanadkan dib loo soo celiyo. Xilligaas waxaa bilaamanaysa maxkadda sedexdii askari ee kale oo ku lug lahaa dilkii George Floyd.
| Waxaan aad ugu mahadnaqaynaa dhaamaan dadkii la socday barnaamijkaan intii maxkamadu socotay. Barnaamijkan oo kii ugu danbeeyay Tan iyo intay ka bilaamayso maxkamadaynta 3dii askari oo kale bisha August.